Madaxweyne Joe Biden ayaa sheegay in Mareykanku cunaqabateynta ka qaadi doonin Iran ka hor inta uusan dalku dib ugu laaban ballanqaadyadiisii heshiiskii Nukliyeerka ee 2015kii, oo ah caqabadii ugu dambeysay ee ka dhex taagan is mari waaga u dhexeeya labada qaran.
Biden ayaa la weydiiyay intii lagu guda jiray wareysiga CBS News haddii Washington ay ka qaadi doonto cunaqabateynta si ay Tehran ugu soo celiso heshiiska, kaas oo arkay in dowladda Iran ay ogolaatay in la yareeyo barnaamijkeeda nukliyeerka iyada oo lagu badalayo cunaqabateynta

No comments:
Post a Comment