Ku dhawaad 30 arday oo dhameysatay Waxbarashada Heerka koowaad ee Jaamacadda Xanaano University Xarunteeda Caasimada Galmudug ayaa xaflad qalin jabin ah loo qabtay.
Munaasabadda Qalin jabinta oo lagu sagootiyey Ardaydan oo bartey kuliyada caafimaadka ayaa waxaa kasoo qayb galay Masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr Maxamed Nuur Gacal qaar ka mid ah Madaxda Jaamacadaha ku yaalla Magaalada waalidiinta ardayda qalin jabineysay Maamulka Magaalada.
Gudoomiyaha Jaamacada Xanaano Dr. Cabdi Cabdule Xirsi ayaa wuxuu sheegay ardayda qalin jabisay inay ahaayeen kuwo soo maray heerar kala duwan oo nidaam Waxbarasho tayeysan ah, islamarkaana Jaamacadda ay ku soo dadaashay soo saarista ardayda maanta qalin jabisay oo ah Dufcadii Koowaad.
Wasiirka Waxbarashada Galmudug Maxamed Xaashi Dhoore iyo Wasiiru Dowlaha Caafimaadka Galmudug Axmed Mirre Faafaale ayaa dhankooda bogaadin u jeediyay Ardayda qalin jabisay.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nuur gacal iyo Gudoomiyaha Gudigga Madaxa banaan ee Doorashooyinka Qaranka Xaliimo Ismaaciil Ibraahim ayaa soo gunaanadey Munaasabadan.
Masuuliyiinta, Maamulka Jaamacada iyo waaridiinta ayaa ugu dambeyn Ardayda wadajir ula wadaagey farxada sagootinta oo goobta lagu gudoonsiiyay arday walba shahaada heerka koowaad ee Jaamacada Xanaano.





No comments:
Post a Comment