Sacuudi Carabiya ayaa hoos u dhigtay xukunnada dilka ee seddex nin oo loo xiray kaqeyb qaadashada dibadbaxyada looga soo horjeedo dowladda iyagoo ah carruur aan qaan gaarin, isku daygii ugu dambeeyay ee boqortooyada ee lagu hagaajinayo heerka xuquuqul insaanka.
Guddiga xuquuqul insaanka ee dalka (HRC) ayaa bayaan ay soo saareen axadii ku sheegay in Ali al-Nimr, Dawood al-Marhoon iyo Abdullah al-Zaher "dib loogu xukumay 10 sano oo xarig ah" iyo in waqtigii ay horey u soo shaqeeyeenba waa la tixgelinayaa, iyadoo la dejinayo taariikhda ay sii deyn doonto sanadka 2022.

No comments:
Post a Comment