Monday, February 8, 2021

 Warsaxaafadeed ka soo baxay Saaxiibada beesha caalamka ayaa waxaa lagu soo dhoweeyay dadaalada ay sameeyeen madaxda siyaasadda Soomaaliya si loo gaaro heshiis ku saabsan hirgelinta hanaanka doorashada ee 17kii Sebtember. Wadahadalladii lagu qabtay Samareeb 1-6 Febraayo horumar ayaa laga sameeyay qodobo badan oo muhiim ah, laakiin laguma wada heshiin dhammaan qodobadii taagnaa. Waxaan aaminsannahay in weli ay suurtagal tahay in la gaaro is-afgarad, iyo in dhammaan dhinacyadu ay ogol yihiin wada hadallo dheeri ah. Waxaan ugu baaqeynaa madaxda Soomaaliya inay dib u billaabaan wadahadalkooda si dhakhso loo gaaro heshiis kama-dambeys ah oo suurto-gelinaya in doorashooyinka qaran ay u dhacaan sida ugu dhakhsiyaha badan.


No comments:

Post a Comment

 Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay wuxuu ugu yeeray dowladda federaalka ah ee Soomaaliya iyo dowlad goboleedyada inay si deg deg ah dib u b...